Jubbaland oo sheegtay inay qabatay qarax Kenya loo waday

0 247

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen Qarax Miino oo loo waday dalka Kenya, kasoo oo laga qabtay duleedka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa xaqiijisay in Qaraxaasi ay ku qabteen Hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Jubbaland, ayaa waxa ay sheegeen inay ku suuragashay ka hortagga qaraxaasi oo la rabay in gudaha Kenya la galiyo.

Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay xog dhanka amniga ku saabsan oo ciidamada ay heleen inay ugu suuragashay soo qabashada qaraxaasiMasuuliyiinta ayaa ku ammaanay Saraakiisha ciidamada sida wanaagsan ee ay ku soo qabteen qaraxaasi iyo dadkii maleegayay.

Magaalada Baledxaawo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku sugnaa Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.