Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno kasoo goostay Al-Shabaab

0 188

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen laba Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan oo lagu soo bandhigey degmada Balkad Xaawo ee Gobolka Gedo ay yihiin laba Nin oo muddo sanado ah ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay la soo xiriireen qaar kamid ah Ciidamadooda,sidaasina ay kusoo dhaweeyeen,isla markaana ay sheegeen in lagu wareejin doono Hay’adaha kale ee dowladda Federaalka.

Si kastaba Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay horey u soo bandhigeen Xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.