Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Saddex nin (SAWIRRO)

0 181

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Saddex askari oo kala ahaa Cabdullaahi Asad Ismaacil, C/rashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan wuxuu ku soo eedeeyay fal dambiyeedyo dil ah, waxaana ragga la toogtay ku jira Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horey u dilay xaaskiisa, Maxkamadeyntooda ayaa in mudo ah socotay.

Raggan ayaa waxaa lagu toogtay Barxadda weyn ee Baarcaleen, halkaasi oo ay ku daawanayeen toogashadan dadweyne aad u fara badan oo ku nool magaalada Kismaayo.

C/laahi Asad Ismaaciil ayaa xaafada Calanley magaalada Kismaayo xili habeen ah 14-kii April ee sanadkan ku dilay Xaaskiisa, waxaana xaaskiisa lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay horay u dhageysatay kiisaska, ugu dambeyna ay maanta fulisay dilka toogashada a

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.