Kaaliyeyaashii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilal ka qabtay Gobolka Banaadir

0 192

Kaaliyeyaashii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday wareegtadii Madaxweynaha uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa, kaddib markii la bedelay Xubnihii Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed C/llaahi Maxamed oo loo yaqaano Maxamed Tuulah oo ka mid ah Hab mamauuska Madaxweynaha Farmaajo ayaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda.

Tuulah ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo, isagoo ahaa dhalinyaradii Baraha Bulshada sida weyn ugu taageerayay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Cumar C/risaak Xuseen oo isna ahaa Xogheynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa loo magacaabay xilka Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaa lagu bedelay Zubeyda Mukhtaar oo xilkan heysay muddo 10 bilood ku dhow.

Cumar C/risaak ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxdii ololaha Madaxweyne Farmaajo, xilligii doorashada, inkastoo markii la magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u wareegay.

Dad badan ayaa aaminsan in ay yihiin dhalinyaro firfircoon, laakiin waxa su’aal badan laga keenayaa qibradooda shaqo, maadaama xilalka loo magacaabay ay yihiin kuwo culus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.