Kenya oo duqeeysey degaanka Ceelcadde

0 146

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi duqeyn xooggan ay ka geysteen ciidamada dowladda Kenya.

Diyaaradaha dagaalka dowladda ayaa waxaa la sheegay in ay beegsadeen Xaafad ka mid ah Xaafadaha degaanka Cali Cadde.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Radio Baidoa u sheegay in Saddex qof oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen duqeynta ay geysteen diyaaradaha Kenya.

Duqeyntaan ayaa kusoo aaday xilli maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Keny ay howlgallo ka waddeen degaanada hoos yimaada degaanka Ceelcadde.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.