Kenya oo faahfaahisay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Dhoobley

0 153

Dowladda Kenya ayaa Faahfaahin ka bixisay qarax xooggan oo lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.

Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ah saddex babauur oo ku jirtay roondo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in Qaraxaasi oo ahaa Miino ay ku dhinteen Askar ka tirsan ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kalena ay ku dhawaacmeen kuwo kale.

Sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi 7 Askari sidoo kale laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada hadda ay howlgallo ka waddaan goobtii ay wax ka dhaceen, islamarkaana ay ka aargudon doonaan Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay inay dileen ilaa 15 askari oo reer Kenya ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.