Kenya oo lacag dul dhigtay xubno ka tirsan Shabaab

0 208

Booliska dalka Kenya ayaa shalay waxa ay sheegeen in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 nin oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Raggan ayaa Booliska dalka Kenya waxa ay ku sheegeen in ninkiiba Madaxiisa la duldhigay laba Milyan lacagta Kenyanka ah oo u dhiganta 20,000$, oo la siin doono cidii gacanta ku soo dhigta ama meel ku sheegta.

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay raggan in ay howlo Argagixiso ka geystaan gudaha dalka Kenya, lagana hortagayo.

Sideeda nin ee Ciidamada Kenya ay ku daba jiraan ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bshiya Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.

Booliska ayaa shacabka ka dalbaday in Ciidamada Booliska ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay raggan in ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tiran Gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Khadiija Xaaj iyo Qumbi-dhaam, doonayaana in ay geystaan falal ka baxsan amniga.

Ciidamada sirdoonka dalka Kenya ayaa dhawaanahan kordhiyay howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga hortagaan Shabaabka ka gudbaya xuduuda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.