Kenya oo Markale Sheegtay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab ku jira Dib Loo Celin Doono.

0 910

Madaxa hay’adda qaxootiga u qaabilsan dalka Kenya Mr. Haron Komen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa tilmaamay inay markale dib u bilaabayaan sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Waqooyi Bari dalka Kenya, dalkooda loogu soo celin lahaa, isla markaana inta ogol oo kaliya la soo qaadi doono.

“Waxaan qorsheyneynaa in aan dalkooda dib ugu celino ilaa iyo 200 oo qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono 2,050 (Labo kun iyo konton) qof oo aan horaantii bishii la soo dhaafay gaarsiinay Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq, waxaana qoysaskaan bilaabeynaa marka aan qiimeyno xaaladaha amni” ayuu yiri Mr Haron Komen.

Mr. Haron Komen ayaa xusay in dib u soo celinta Qaxootiga uu xoogaa hakad ku yimid kaddib roobab ka da’ay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, isagoo meesha ka saaray in qoysaskaasi si qasab ah loogu so celinayo dalkooda hooyo.

Arrinta ayaa qeyb ka ah heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay bishii Novernmebr ee sanadkii 2013-ka kala saxiixdeen Wakiilo ka kala socday Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.