Kenya oo raadineysa ragga Al-Shabaab u qora dhallinyarada

0 158

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo oo la sheegay in ay qorraan dhalinyaradda ku biiraysa Al-Shabaab.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay doonayaan in gacanta kusoo dhigay 3 qof oo la sheegay in qorraan dhalinyaradda, islamarkaana ay ku sugan yihiin gobolka Xeebta ah ee Kenya.

Booliska ayaa dadkaasi ka ka raadinaya Kilifi iyo Lamu.

Magu Mutindika Guddoomiyaha Gobolka Kilifi, ayaa sheegay in labo ka mid ah Dadka Al-shabaab u qora dhallinyarada ay degganyihiin Kilifi iyo Lamu halka mid saddexaadna faah faahintiisa lagu daba jiro.

Raadinta dagaalyahanaddaan ayaa timid ka dib Markii dhawaan 13 dhallinyaro ah ciidanka Difaaca Kenya ay xoog uga furteen Al-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku tababarayeen degaanka Raaskampooni ee Gobolka Jubada hoose.

Al-Shabaab ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waxaa ku biiray dhalinyaro badan oo u dhashay Kenya, kuwaasoo la sheegay in markii ay hore ay soo qoreen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ku sugan Gudaha Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.