Kenya oo sheegtay in ay soo celinayso Macalimiintii ka cararay G. Waqooyi Bari

0 149

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay waddo dadaallo ku aadan in dib loo celiyo Macalimiinta dugsiyadda Waxbarashadda ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Macalliinta ayaa markii hore ka cararay Weeraro joogto ah oo ay kala kulmaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Maamulka Waxbarashadda gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe ay qeyb ka qaato in dib degaanadii ay ka carareen loogu celiyo barayaasha.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen hadii loo soo celiyo in ay u diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaankooda.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa cabsidda ka jirtaa, ay sababtay in iskuulada xaadiri waayaan macalimiinta aan Soomaalida ahayn ee wax ka dhigayey iskuulada.

Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro la beegsaday Dugsiyo ku yaalla degaano hoos yimaada Magaalada Mandera, waxaana halkaasi ay ku dileen Macalimiin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.