Kenya oo xirtay Xildhibaano safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

0 150

Ugu yaraan sideed Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Wilson ee Magalada Nairobi,isa markaana booliiska su’aalo ka weydiinayaan socdaal qarsoodi ahaa oo ay ku yimadeen Magaalada Muqdisho.

Dhowr gawaarida ay leeyihiin Ciidamada Dembiyada culus iyo unugyada booliiska ee la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha Wilson halkaasoo sideedda su’aalo lagu weydiinayo.

Sida uu baahiyey Tv-ga Citizen ee dalka Kenya Xildhibaannadaan ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa ay yimaadeen maagalada Muqdisho,isla markaana ay saaka oo Axad ah ay dib ugu laabteen Magalada Nairobi.

Sidoo kale tv-ga ayaa sheegay in Sideeda Xildhibaan ay booliska Kenya hayaan macluumaad sheegaya in intii ay ku sugnaayeen muqdisho ay la kulmeen Madaxda Sare ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA.

Tallaabada ay Ciidanka Booliska qaadeen ayaa la sheegay inay qeybka tahay xiriirka Diplumaasiyadeed cakiran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sideeda Xildhibaan ayaa Booliska waxaa ay wax ka weeydiinayaan nooca safarka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho haddii uu ahaa mid gaar ah ama mid rasmi ah, taas oo markaa ay ahayd in la ogeysiiyo Afhayeenka Golaha Qaranka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada 8 Xildhibaan ee su’aalo weeydiinta ay ku socoto.

Ahmed Kolosh (Wajir West)

Ibrahim Abdi (Lafey)

Rashid Kassim (Wajir East)

Mohamed Hire (Lagdera)

Omar Maalim (Mandera East)

Bashir Abdullahi (Mandera North)

Adan Haji (Mandera West)

iyo Kullow Maalim (Banisa).

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.