KGS;Ciidamo maanta ku dagaalamay Baydhabo

0 262

magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Ciidamo ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ku dagaalamay magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa dagaalkooda waxa uu ka dambeeyay kadib markii ay isku qabsadeen Doorashada Hoggaamiye dhaqameed, sida ay inoo sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada iska hor imaadka uu dhexmaray ayaa qaakood taageersanaa Hoggaamiye dhaqameedka, halka qaarka kalena ay ka soo horjeedeen Doorashada, kadibna uu halkaasi ku dhexmaray Dagaal khasaare geystay.

Ciidamada ka soo horjeeday Doorashada hoggaamiye dhaqamedka ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen ilaalada Wasiirka Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa dhexgalay Askartii dagaalka dagaalantay, waxaana ay qaboojiyeen xiisada, waxayna halkaasi ka qaadeen Askartii ku waxyeelowday iska hor imaadka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo dagaalkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in laba Askari ay geeryoodeen, halka laba kalena ay dhaawacmeen, hadana xaaladu ay tahay mid degan.

Mudooyinkii dambe magaalada Baydhabo waxaa ka jiray is qabqabsiga iyo muran la xiriira Doorashada malaaqyada, waxaana arrintan ay soo shaac baxday markii qaar ka mid ah malaaqyadii ugu caansanaa ay ku geeryoodeen Qaraxii 25-kii January 2017 ka dhacay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.