Khaliifa Xaftar oo taageero weeydiistay Madaxweynaha Masar

0 408

Janaraal Khaliifa Xaftar oo Ciidamo ka amar qaata isaga ay dagaal culus ka wadaan Magaalooyin kamid ah dalka libya ayaa booqasho ku jooga dalka Masar,isaga oo kulan gara ah la qaatay Madaxweynaha dalkaas Cabdifitaax Siisi.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga hadleen Arrimo dhowr ah,waxaana Janaraal Khaliifa Xaftar uu weeydiistay Madaxweynaha Masar kaalmo siyaasadeed,maadaama dagaalka ka socda dalka libya looga awood roonaaday.

Lama oga jawaabta uu Madaxweynaha Masar ka bixin doono codsija Janaraal Khaliifa Xaftar ,hayeeshee waxaa la filayaa in Janaraalka uu maalmaha soo socdo kulamadiisa uu kasii wado dalka Masar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.