Khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

0 203

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay Bartakontorool ee Ciidanka Nabad Sugidda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo degeenka, halkaasi oo lagu baaro gaadiidka aada dhanka Garoona Diyaaradaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay gaarigan qarxay qabashadiisa in ay ku suuragashay, kadib markii Ciidamada ay u amreen ninka inuu soo dego si loo baaro, balse inta uu wada hadalka socday uu is qarxiyay.

Wuxuu sheegay qaraxan in ay ku dhinteen ninki gaariga kaxeynayay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Askari oo Nabad Sugidda ah, kuwaasi oo ka mid ahaa raggii ku sugnaa BartaKontorool.

Marka loo eego jugta qaraxan oo aad u weyneyd iyo khasaraha ka dhashay oo koobnaa ayaa waxa ay saraakiisha ammaanku ku sheegeen in dadka inta badan maanta ay guryahooda ku nasanayeen, halka qaar kalena ay ku guda jireen Tukashada Salaada Jimcaha ah, taasina ay keentay in rayid qaraxan uusan waxyeeleyn.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah mid ka sii baxsanaya faraha Hay’adaha ammaanka, maadaama maalmahan dambe ay kordheen dilalka iyo qaraxyada ay Ururka Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.