Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii caawa ka dhacay Muqdisho

0 209

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyadii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, halka kan kalena uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Dorbin.

Rasaas badna oo bilaabay salaadii maqrib kadib ayaa Ciidamada Dowladda iyo rag ka tirsan Shabaab oo weerarka soo qaaday waxa ay ku dhexmartay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inay toogteen Saddex nin oo ahaa rag hubaysan, lana socday gaari ku qarxay halka loo yaqaan Dhagaxtuur oo ku dhaw Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa halkaasi ku dhintay Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada Illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Saraakiisha Gaadiidka Deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen Qaraxyadan in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 qof, kuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in weerar Qaraxyo loo adeegsaday ay ku qaadeen Agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin, khasaarana ay ku gaarsiiyeen Ciidamo Dowladda ka tirsan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.