Khasaare ka dhashay Bam-gacmeed lagu weeraray ciidamo Muqdisho

0 220

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo isugu jira Shacab iyo Askar ayaa ku dhaawacantay ka dib markii Bam gacmeed lagu weeraray Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Qof goobjooge ah ayaa radio baydhabo u sheegay in ciidamada la weeraray ay ahaayeen ciidamada Nabad suggida ee saldhigga ku leh Igoyska Fagax.

Bam gacmeedka ka dib ayaa ciidamada dowladda waxa ay fureen xabado ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay.

Dadka ku sugan Igoyska Fagax ayaa waxaa soo wajahday Cabsi badan, waxaana halkaasi ciidamada dowladda ay ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinaayay ammaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.