Khayre oo la kulmay xubnaha Beesha Caalamka (SAWIRRO)

0 189

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo daba socday midkii London lagu qabtay bishii May, kaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Xubnaha Beesha Caalamka ka socday ee shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika Ambassador Francisco Madera iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray amniga dalka, iyo u diyaar garowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaas oo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, Wakiillo matalaya Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.

Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay ujeedada in ay tahay in la ogaado baahida ay qabaan Ciidamada iyo sidiii loo siin lahaa Sahnad Millitari oo ku filan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ay booqdeen xubno ka socda Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka, waxaana loogu kuurgalay sidii Wasaaradda Dhalinyarada ay ula wareegi laheyd Garoonka marka ay AMISOM ka baxaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.