Khayre “Waa inan dhameystirnaa Dastuurka si dalka aan u gaarsiino

0 192

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka ee taariikhiga ah oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa.

Shirka masuuliyiintii ka qayb gashay waxaa kamid ahaa Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaal, Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowaladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa waxa uu sheegay dhameystirka Dastuurka inuu qeyb ka yahay ahmiyadaha waa weyn ee horyaalla shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa sidii ammaanada ay ugu wareejin laheyd shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waa inaan dhameystirnaa Dastuurka, si muwaadin kasta uu u ogaado xaqa lagu leeyahay iyo waajibaadka uu leeyahay, waa inaan dhameystirnaa Dastuurka, si aan dalka u gaarsiino Doorasho qof iyo cod ah.” Ayuu yiri R.W Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay bixin doonto Saddex Milyan oo Dollar, si loogu dhameystiro Dastuurka dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.