Kheyre oo amray in Gurmad deg deg ah la gaarsiiyo Magaalada Cadaado

0 130

Madaxweyanaha Galmudug oo xalay ka qeyb galay shirka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID19 oo looga hadlay xaaladaha kasoo kordhay deegaannada Galmudug.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 iyada oo si gaar diiradu loogu saaray kiisaska la xiriira Covid 19 ee 24 saac ee lasoo dhaafay laga soo warinayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga uga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaanada Galmudug ee Cudurka Coronavirus.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Galmudug ee xaaladaha daran ay ka jiraan gaar ahaan Magaalada Cadaado.
Galmudug ayaa bilaabeysa la tacaalida iyo xakameynta COVID- 19, kaas oo kiisas kamid ah laga helay sidoo kalena dad looga shakisanaa ay ku geeriyoodeen Magalada Cadaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.