Kheyre oo ku wajahan Boosaaso

0 192

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Puntland ayaa maanta waxaa lagu waddaa in uu taggo Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari, Waxaa Saaka laga dareemaya magaalada Boosaaso soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Qabanqaabadda soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka socota Magaalada Boosaaso oo xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u tagay Magaalada Qardho, waxaana kulan uu la qaatay Waxgaradka Magaaladaasi oo uu kala hadlay Xaaladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.