Kooxo burcad ah oo Muwaadin soomaaliyeed ku Diley Dalka Koonfur Afrika.

0 156

Kooxo Burcad Koonfur Afrkaan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay maanta ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas oo muddo ku noolaa,iyaga oo goobta ka baxasaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Cali yare ayaa u geeriyooday rasaas farabadan oo ay ku fureen kooxaha Burcadda, xilli uu ku dhex jiray gaarigiisa oo hor yaallay goobtiisa Ganacsi, sida ay sheegeen dad kamid ah ehelkiisa oo u gurmaday.

Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ku dhow Samora oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika,,dadkii dilay Marxuum Mahad (AUN).

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.