ku dhawaad 200 qof oo Guatemala lagu la’yahay

0 164

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Guatemala ugu yaraan 192 qof ayaa la la’yahay 75 qof oo kalena way dhinteen taas oo ka dhalatay qaraxa foolkaanada laga magacaabo Fuego ee ka dhacday dalkaas axaddii lasoo dhaafay.

Tuulooyin meelaha sar sare ku yaalla ayaa gabi ahaanba waxaa qariyey dambas iyo dhoobo.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa gawlgab noqday talaadadii kadib markii ay foolkaano horleh halkaas ka qaraxday taas oo cirka ku shareertay uuro iyo sidoo kale dhagxaan dhalaalay kuwaas oo kusoo hoobanayey agga ay foolkaandu ka qaraxday.

Dad kabadan 1.7 million oo qof ayaa ku waxyeelloobay foolkaanadii qaraxday axaddii, halka inka badan 3,000 oo qof la daad gureeyey.

Qaraxii foolkaano ee talaadadii ayaa aad loola yaabay kadib markii aqoonyahanada foolkaanooyinku ay sheegeen in ay qaraxa foolkaanadaan oo gaaray dherer dhan 10km oo hawada sare ah axaddii uu mustaqbalka dhow soo afjarmayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.