Kulamadii MW Laftagareen iyo Odayaasha Dhaqanka Oo Jimcahan Markale Qabsoomey(Sawiro)

0 331

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa kulan isugu Jiray Qado Sharaf iyo kala Waraaqadasho Waxa uu usameyey Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Jimcooyinkii Udambeyey Uu La qadanayey Kulamo looga Hadlayey Arimaha Soo Xulista Barlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si loo Dardar geliyo Howlaha Shaqo ee Horyaala Xukuumada,

Todobaadkan kulanka Waxaa ka Qeybgalay Gudiga Soo Xulista Barlamanka 2aad ee DGKG oo soo Bandhigay Warbixin ku Saabsan Halka ay Wax umarayaan iyo Sida ay Usocoto Howlaha Shaqo ee So Xulista Barlamanka

Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sido kale Soo Dhoweyey Habraaca Doorashada iyo Shuruudaha ay Soo Gudbiyeen Gudiga so Xulista Barlamanka Labaad Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay Sheegen inay soo Gebigebeynayaa Dhamaystirka soo Xulista Barlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 19 Maarso ee Bisha soo socota Si Looga Miradhaliyo Ushaqaynta iyo Haqabtirka Baahiyaha Haysta Dadka iyo Deeganka

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen oo Kulanka Jimcaha ay ku Wehlinayeen Gudoomiyaha Barlamanka DGKG Mudane Cabduqadir Shariif iyo Labadiisa ku Xigeen ayaa odeyaasha uga Mahadceliyeey sida Daacadnimo ee ay Ugu Goantahay inay Ugu Shaqeyan Shacabkooda oo Haatan Dareemaya isbedel ku Salaysan Hanaqaadka Baahinta Adegyada Dowlada iyo Kahortaga Falalka Guracan ee Argigixisadu ay ku Dhibaataynayso Shacabka Somaliyeed oo Xooga Saartay Xukuumada laguna Guulaystay Qeybo kamid ah Degmooyinka Inay Gaaran Adeegyada Dowladeed oo Dhamaystiran,

Waxaana odeyaasha Kula Dardarmay inay ku Dadaalan Sidii loo Heli lahaa Barlaman loo Dhanyahay oo ka Shaqaynaya Sidii ay Qeyb uga Noqon lahayeen Hormarinta Bulshada iyo Dib Udhiska Gobolada Koonfur Galbeed

kulanka oo ahaa mid Saacado qaatay islamarkaana inta uu Socday looga hadlay Arimaha So Xulista Barlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Markii soo Cidlaaday Waxaa Warbaahinta la hadlay Ugaas Shire Ugaas Warsame Ugaas Cali okamid ah Odeyaasha Dhaqanka Iyo Cumar Balash oo Kamid ah Xubin ka Tirsan Gudiga so Xulista Barlamanka Waxayna Sheegen Muhiimada Kulanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.