Kulamo Siyaasadeed Oo Caawa ka socda Dhuusamareeb

0 197

Kulamo Siyaasadeed ayaa caawa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, waxaana halkaasi ku sugan dhammaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Galmudug.

Kulamaddaan ayaa ah kuwo looga hadlaayo Arrimaha Siyaasadda Galmudug oo Khilaaf weyn uu ka taagan yahay, Maadaama qaar ka mid ah beellaha deganada Galmudug ay diideen Xildhibaanada lagu dhawaaqay.

Kulamaddaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Ololo ballaaran oo loogu jiro doorashadda Guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay dadaal badan ka bixiyaan sidii ay u heli lahaayeen Codadka Xildhibaanada.

Wasiir Dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaya Axmed Cabdi Kaariye ayaa hadda ku dhawaaqay inuu Xilkaasi iska Casilay.

Qoor Qoor oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu yahay Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxwaynaha Galmudug.

Qoor Qoor ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka dowladda dhexe ee ay waddo ee sidda aadka ah loo hadal yahay maalmihii lasoo dhaafay.

Labo Wasiir dowlo ka mid ah Xukuumadda Kheyre ayaa ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.