Kulan Dhexmaray Salaad Cali Jeelle Iyo Safiirka Japan
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti ee Caasimadda dalkaas Salaad Cali Jeelle ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Japan u fadhiya dalka Djibouti.
Kulanka u dhexeeyay Labada safiir ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Gobolka geeska Africa, gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya horumarada amaanka iyo dib u-dhiska Soomaaliya.
Ambassador Salaad Cali Jeelle ayaa uga warbixiyay safiirka Japan u jooga Jabuuti horumarada ka socda dalka Soomaaliya sida arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka bilowday sanadkaan 2021.
Ugu dambeyntii Safiirka dowladda Japan u-fadhiya ee Djibouti ayaa dhankiisu ku boggaadiyey dadaalada horumarka leh ee ay sameyneyso dowladda Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay Safiir Salaad Cali Jeelle.