Kulan looga hadlayay Arrimaha Amaanka KG Oo Baydhabo Lagu qabtey(Sawiro)

0 392

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Ali Saciid Fiqi ayaa Maanta shir Gudoomiyay Kullan looga hadlaayay Arrimaha Amaanka ee Deeganada Koonfur Galbeed .

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee koonfur Galbeed , Sarakiisha Ciidamada Booliska , Bahda Garsoorka koonfur Galbeed iyo Laamaha Amaanka .

Ujeedada Kullanka ayaa waxaa ay eheed mid lagu xoojinaayay wada shaqeynta Lamaha Amaanka iyo Bahda Garsoorka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka KGS Dr. Ali Siciid Fiqi ayaa Ciidamada Amaanka iyo Bahda Garsoorka KGS ku dhiirageliyay in ay sii laba jibaaran Wadashaqeyntoda si hal meel looga soo wada jesto ladagaalanka Kooxda Nabadiidka Al Shabab oo dhibaato ku haaya shacabka Sooomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in laxoojiyo wadashaqeynta lamaha amaanka iyo Bahda garsoorka KGS ,iyo qof kasto oo mid ah reer Kgs dacwad ugu taga Nabadiidka Al shabab tilaabo sharciga waafaqsan la qaadi doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.