Kulan u socdo Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlmaanka fedraalka soomaaliya

0 168

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Kulankii 29aad ee Kalfadhiga 6aad ku leh xarunta Aqalka Sare,iyada oo uu shir Guddoominayo Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi,sidoo kale waxaa soo xaadiray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxmed Axmad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kay xildhibaannada Aqalka sare ka shirayaan ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinta Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa haatan laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.