Kulanka Aqalka Sare oo looga hadlay Gurmadka Beledweyne

0 162

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in maanta Diiradda lagu saaray Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare u gurmashadda dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee ay saameeyeen daadad ku dhuftay Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xildhibaanada Aqalka Sare ka dalbaday in lacagta ay Bishaan Mushaar ahaan u Qaadanayaan in ay Ku Caawiyaan Walaalahooda ku dhibaateysan Gobolka Hiiraan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo Gurmado , Maadaama dadkii ka barakacay Magaalada ay ku sugan yihiin xaalad adag.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay Guddi ka kooban 8 xubnood oo loogu tala galay in ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan Baledweyne.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.