Kumaandoos Cusub oo tababar loogu soo Xeray Xerada Balidoogle

0 185

Maanta oo khamiis aheyd ayaa waxaa Tababar loo soo xeray Cutub ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab, kuwaas oo muddo dheer Tababar uga socday Xerada weyn ee Balidoogle.

Xafladaan Tababarka loogu soo xeray Kumaandooska Cusub ee Danab ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab iyo Saraakiil ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayagoo soo ban dhigay wacdaro layaab leh oo soo jiitay indhaha Caalamka.

Ciidankaan ayaa la rajeynayaa in dhawaan ay fuliyaan Howlgalo qorsheysan oo Taliska Ciidanka Xooga Dalka qorsheynayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.