Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Mareykanka oo hawlgal ka fuliyay Dajuma

0 224

Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa waxay shaacisay in hawlgal Axadii ka dhacay Deegaanka Dajuma ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu burburiyay xarun ay ku lahaayen maleeshiyada Al Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale hawlgalkaasi lagu dhaawacay saddex ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Somaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykanka ee Taliska Afrika (AFRICOM) ayaa cirka ka duqeeyay mintidiinta Al Shabaab meel u dhow magaalada Dajuma ee Somaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid laga soo baaraandegay ayaa lagu dhaawacay saddex argagixiso, isla-markaana lagu burburiyay xarun Al Shabaab oo halkaa lagu ogaa.

DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeelada shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka kooxda aragagixisada ee Al Shabaab, iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soo baxa. Xilligan la jooggo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyay weerarkan ugu dambeeyay.

Duqeymaha dhawaanahan lagu beegsanayay xubno ka mid ah Al Shabaab ayaa waxay ka dhigan tahay in Dowladda Federaalka Somaliya, ciidankeeda gaarka ah ee DANAB oo gacan ka helaya Ciidanka Mareykanka, ay ka go’an tahay jebinta kuwa argagaxa iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.”

Ciidamada Somaliya iyo Mareykanka ayaa waxay u muuqdaan kuwo dardar-geliyay hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waxaase muuqata in khasaaraha ay gaysanayan yhiin kuwo aad u xadidan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.