Kursiga Goodax oo noqonaya kan labaad ee ugu adag Hirshabeelle (Warbixin)

0 258

Tartan iyo loolan adag ayaa mar kale loo geli doonaa kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee taala Jowhar, iyadoo mar kale ay dhici doonto lacago badan oo lagu qarash-gareeyo hal kursi oo loolankiisa uu xamaasad iyo xiftaal aad u adag uu ka jiro.

Kursiga Beesha Xawaadle/Agoon ayaa lagu wadaa inuu noqdo kan ugu adag ee lagu tartami doono maalmaha soo socda, iyadoo kursigaas ay ku loolamayaan dhowr Musharax oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre oo doonaya inuu mar kale difaacdo kursigaas.

Inkastoo aan Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle uusan soo bandhigin jadwalka maalinta ay dhaceyso doorashada kursiga Beesha Xawaadle/Agoon, hadana waxaa magaalada Jowhar laga dareemayaa ololaha iyo hardanka ay wadaan musharaxiinta.

C/llaahi Goodax Barre oo dhowaan gaaray magaalada Jowhar ayaa wada olole ballaaran oo uu ku doonayo inuu ma kale dib ugu mid noqdo Baarlamaanka cusub 2016/2020.

Hase ahaatee waxaa uu wajahayaa loolan adag oo Madaxtooyada uga imaanaya, iyadoo mid ka mid ah Musharaxiinta la loolamayo uu taageero ka heysto.

Madaxtooyada oo illaa iyo hada tiro badan oo taageerayaashooda ka soo baxeen Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa mar kale dooneysa inay meesha ka saarto siyaasiyiinta ay u aragto inay ka soo horjeedaan, waxaana ay juhdi badan geli doontaa sidii Goodax aan ugu soo bixi laheyn kursiga Aqalka Hoose.

Musharaxiinta illaa iyo hada la hadal hayay inay ku tartamaan Kursiga Beesha Agoon ee Xawaadle waxaa ka mid ah C/llaahi Goodax Barre, Maxamed C/llaahi Garguurte, Ibraahim Xabeeb Nuur,  Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Mukhtaar iyo Musharax kale oo lagu magacaabo Food oo taageero ka heysto Madaxtooyada

Goodax oo aad u mucaaradsan siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in wax kasta oo ku kacda kursiga uu u tartamayo inuu sameeyo, waxaana laga yaabaa in kursigiisa uu dhigo rikoor cusub, maadaama ay xamaasad u yeeleyso ololaha Madaxtooyada ugu jirto helida kursigaas.

Dad badan ayaa aaminsan in kursigan uu noqonayo kursiga labaad ee ugu adag tartanka Kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, kaddib kursigii ugu loolanka adkaa ee Beesha Warsangeli Abgaal oo jimcihii la soo dhaafay uu ku guuleystay Xilhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Kursigan ayaa la sheegaa inuu ahaa kii ugu lacagta badnaa marka loo bar bar dhigo tartanada sidan oo kale ee ka dhacday Baydhabo iyo Cadaado, waxaa dadka ay sheegaan inay ku baxday lacag ka badan (Hal Milyan iyo saddex boqol oo kun dollar).

Waxaa la is weydiinayaa sida Goodax uu ku guuleysan karo kursigan, maadaama Maamul uu horay u diidanaa dhismihiisa uu u soo doontay Xildhibaannimo.

Dhinaca kale Kursiga kale ee Beesha Xawaadle tartankiisu aad u adag yahay ayaa waxaa kursiga Beesha Cabdi Yuusuf/ Xawaadle oo ay ku loolamayaan Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo kursigan difaacanaya, Cabdirisaaq dheere, Hassan-Nur Cabdi Banjar iyo Maxamed Aadan Geedi

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka Kuraasta Aqalka Hoose ee ka dhacay Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo ayaa ah kuwii ugu lacagta badnaa, waxaana lacagaha kursiga Xildhibaannimo ee ku baxay saddexaas maamul ay yihiin kuwo ku saddex jibaarma lacagaha ku baxay Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kuraastooda qaar ku baxday lacag aan ka badneyn 10-kun oo dollar kaliya.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.