Labo ruux oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha

0 128

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay labo ruux oo hubeysan.

Dilka ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Shirkadda Dahabshiil, waxaana dilka uu yimid ka dib markii ciidamada Ammaanka ay iska horyimaadeen Afar nin oo la sheegay in ay wateen Bastoolado.

Dagaal kooban ayaa dhexmaray labadda dhinac, waxaana ugu dambeyntii la dilay labada ruux sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda.

Laba ka mid ah Kooxihii hubeysanaa ayaa goobta ka baxsaday sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen Hay’adda Ammaanka.

Labadda ruux ee la dilay kama tirsaneyn ciidamada dowladda ,laakiin waxa ay ahaayeen dabley hubeysan.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah oo looma xaqiijinkaro cida ay ka tirsanaayeen labadda ruux ee ay toogteen ciidamada dowladda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.