Laftagareen iyo Kheyre Oo si Wadajir ah Xariga uga jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe

0 204

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed & mas’uuliyiinta maamulka degmada,iyada oo ammaanka siweyn Maanta loo adkeeyey.

Soo dhaweyn kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa ay si Wadajir ah ay Xaariga uga Jareen Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe ee Caasimadda Rasmiga ah ee KG kaas o dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kuwa Maamulka Koonfur Galbeed & Wafdi ka socda Midowga Yurub oo dib u dhis ku sameeyey Garoonka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.