dhageeyso,,gudoomiyaha gobolka banaadir oo dhagax-dhigey dhismaha Xarun muhiim ah.

0 170

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Ujeedka dhagax dhigaan ayaa ahaa mid ay dowlada Hoose ee Xamar ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960kii .

Maareeyaha guud ee wakaalada hormarinta qaranka soomaaliyeed sareeyo guud bashiir maxamed jaamac ayaa faafh faaiyey dhagax dhiga xaruntaan waxa uuna sheegy in xaruntaan ay noqon doonto meel la iskugu yimaado laguna nasto sidookale na noqondoonto meel taariikhi ah.

Gudoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka banaadir aadan sheikh cali fiidow oo isna goobta kahadlay ayaa sheegy in xaruntaan la dhagax dhigey ay qeyb katahay dar dar galinta iyo howlaha uu wado maamulka gobolka banaadir

Ugu danbeen gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalda muqdisho mudane Cumar maxamamuud maxamed cumar [filish] ayaa tilmaamey in kutala galkoodu uu yahay in xatuntaan taariikhiga ah Ex Baarlamaan ay noqon doonto meelaha ugu quruxada badan ee magalaada muqdisho dadkana usoo dalxiisi tagi doonaan.

Xarunta Maanta la dhagax-dhigey oo kutaalo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,ayaa waxaa kamuuqdo bur bur xoogan iyadoona manta maamulka gobolka banaadir ay dhagax dhigeen dib udhisna lagu sameyn doono .

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.