Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo Amar kusoo rogey shacabka Degmada Gurceel

0 167

Warqad ka soo baxdey Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu amray in aan Hotelada iyo goobaha dadku ku kulmo lagu qaban Karin shir ama xaflad aan maamulka lasoo ogeysiinin 24-saacadood kohor.

Qoraalka Maamulka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururrada Bulshada rayidka ee ku sugan dhuusamareeb looga baahan yahay inay si deg deg ah isku soo diiwaangeliyaan si loo hubiyo Ururada saxda ah ee diiwaangashan.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka degmada Guriceel ayaa daba socday xilli maalmihii la soo dhaafay Ururo Bulsho oo Guriceel ka aas’aasan ay Warbaahinta eede iyo dhaliil kala duwan u jeedinayeen Maamulka degmada Guriceel.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.