Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilalka ku soo badanaya magaalada Muqdisho

0 377

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilalka habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka ay walaac ka qabaan dilalka sii kordhaya ee kooxaha hubeysan ka geysanayaan Xaafadaha
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwii ugu yaraa ee soo mara, marka loo eego dilalkii hore.

“Waxa ka dhacaya Muqdisho, iyo wixii ka dhici jiray, marka la isla bar bar dhigo, waa dilalkii ugu yaraa ee magaalada ka dhaca”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir oo la hadlayay warbaahinta

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa ku andacooday in kuwa dilalka geysanaya ay kaga gol leeyihiin inay muujiyaan inay joogaan, waxaana uu xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu tallaabo ka qaadayo.

Ma jirto illaa iyo hada cid loo soo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaa ugu dambeeyay habeenkii xalay ahaa oo Guddoomiye laameed lagu dilay degmada Yaaqshiid

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.