Maamulka Hir-Shabeelle oo sheegay inay bilaabeen baarista dadkii lagu dilay Gololeey

0 124

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in hir-Shabeelle ay bilaawday baaritaan la xiriira 8 ruux ee lagu diley deegaanka gololeey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa marka hore cambaareeyay falkaasi,waxaana uu sheegay in uu ahaa mid ka baxsan Bini aadan nimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqankeena Suuban.

“Waxaan si adag u Cambarenayaa Falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaanka Gololeey ee Degmada Balcad, kaas oo lagu xasuuqay 8 Dhalinyara shacab ah oo ka shaqenayay MCH Eey maamusho Hey’adda Zamzam Foundation ee Gololeey , Falkaas waxuu ahaa fal ka fog Bini aadan nimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqankeena Suuban.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hey’addaha Amaanka Hirshabeelle iyagoo kaa shanaayo laamaha Baarista Dowlada Federalka ay wadaan Baarista cidii ka danbeesay Falkaas foosha xun ,isla markaana la horkeeni doonaa Cadalada, laamaha baarista ay warbixin faah faahsan kasoo saari doono sida ugu dhaqsaha badan.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dhalinyaradii dil wadareedka loogu geystay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad marka laga reebo Ehellada dadka oo sheegay inay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.