Maamulka Magaalada Baydhabo oo Amaro soo saarey

0 224

Maamulka magaalada baydhabo ee xarunta KMG maamulka koonfur galbeed ayaa soo saarey Amaro laxiriira kahortaga caabuqa caronavirus oo dad badan ay udhinteen,

Qoraal kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha degmada Beydhabo ahna Duqa magaalada xasan macalin Axmed {biikoole} ayaa lafarey bulshada ku dhaqan beydhabo iyo xafiisyada Degmada Beydhabo laga bilaabo manta oo ay taariikdu tahy 29/3/2020 in lahakiyey in mudo ah dhamaan xafiisyada dowlada hoose iyo goobaha bulshad isugu timaado oo ay kamid tahay

1 hotelada
2 muqaayadaha
3 baararka
4 iyo goobaha fadhi kudirirka,

Hey,adaha kahowlagala magaalada ayaa sidookale lafarey ineysan qaban Karin wax shirar ah iyo siminaaro mudo 11 maalmood ah oo ay ka bilaabaneyso 29/3/2020 ayna ku egtahay 10/4/2020,
Dhinaca kale bulshada kudhaqan m/beydhabo ayaa loogu baaqey inay uhogaansamaan talooyinka ay soo jeedinayaan dhakhaatiirta soomaaliyeed si looga hortago halista uu leeyahay cudurkaan loo yaqaano covid19,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.