Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Baydhabo oo si KMG ah u joojiyey dulimadyada Maalinta Jimcaha gelinka dambe

0 175

Maareyaha Garoonka Diyaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo Salaad Maxamed Mukhtaar Salaad Jeeri ayaa shegey in dhamaan dulimadyada si ku meel gar ah loo joojiyey maalinta Jimcaha gelinka dambe.

Wuxuu sheegey Maareeyuhu in maalmaha kale Garoonka howlihiisu uu yahay sidiisa caadiga ahaa balse maalinta Jimcaha wixii 12:00 am duhurnimo la joojiyey dhamaan duulimadyada ilaa amar dambe.

Wuxuu ku sababeyey maareeyuhu arintan in qeybo ka mid ah garoonka laga shaqeyn doono.

Salaad Maxamed Mukhtaar Salaad Jeeri Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Baydhabo ayaa dhawaan howlgalka AMISOM UN-ka iyo Maamulka Konfur Galbed waxaa ay gudonsiiyeen shahaado sharaf ka dib markii uu ku guuleystey howsha loo igmadey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.