Madaxa Xukuumadda Galmudug oo kulamo ka wadda Balanbale

0 252

Madaxa Xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo shalay gaaray Balanbale ayaa halkaasi maanta ka wadda kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Waxaa lagu waddaa in uu maanta Goobjoog uu ka noqdo heshiis lagu soo Afjarayo colaadihiii ka taagnaa sanadyadii lasoo dhaafay Balanbale.

Wafdi uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa shalay gaaray Balanbale, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

Galmudug tan iyo markii uu booqday Madaxweyne Farmaajo oo ka socday kulamo dib u heshiisiin ah oo ku aadan soo Afjaridda Colaadaha sokeeye.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.