Madaxweynaha DDSI oo eedeyn u jeediyay Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya

0 156

Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyay Madaxa Shirkada SouthWest Energy ee mulkiilaha iyo madaxa u yahay nin Tigree ah oo lagu MagacaaboTewofros Ashenafi ahna Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya in goob shidaan ka buuxo uu xoog ku heysto.

Madaxweynaha oo ka hadlayay goob ku taal degmada Elele ee Gobolka Shabeele oo uu ku yaalo ceel shidaal oo 28 June si rasmi ah u bilaabay wax soo saarkii shidaalka ayaa waxa uu sheegay in goobaha shidaalka ee loo yaqaano Jigjiga Basin oo ka mid yahay ceelka shidaalka ee Cobele inaanuu wax ba ka ogayn oo si khaldan ama sharciga ka baxsan uu haysto nikaasi iyo shirkadiisu.

Waxaa jira ceelal shidaal ah oo aysan wax war ah ka hayin Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar.

Muuqaalkan oo baraha bulshada dhex socda ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota.

“gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, mooji kaasu”. ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Maxamuud

Madaxweynaha ayaa intaas sii raaciyay “haddase waa la isaga daba yimid” mana cadda waxa uu ula jeedo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.