Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Ganacsatada Ugu Baaqay In Ay Dalka Maalgashtaan.

0 380

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay ganacsigooda caalamka u soo wareejiyaan Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan dib u dhiska dalka ka socda.
Madaxweynaha ayaa xusay in ganacsiga dibada Ee Soomaalida uusan ahayn mid faa’ido ugu jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed,islamarkaana loo baahan yahay inay dib ugu soo celiyaan dalka.

Soomaali badan ayaa ganacsi ku leh dalka dibadiisa,kuwaasi oo dalka ka cararay markii colaada ay dilaacday,waxaana hada uu yahay ganacsigooda mid ay ku faa’idayaan dalal shisheeye.

Xasiloonida iyo nabada laga dareemay dalka Soomaaliya ayaa sababtay in ganacsato badan ay dalka ku soo dhiiradaan kana sameystaan ganacsi qeyb ka noqday hormarka dalka iyo waliba shaqo abuuris loo sameeyay dhalinta Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ay dilootay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.