MADAXWEYNAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO SOO GAAREY MAGAALADA BAYDHABO.

0 148

Madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur galbeed soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan Iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa dib ugu soo laabtay shaley gelinkii dambe magaalada Baydhabo ee xarunta KMG koonfur galbeed soomaaliya, kadib safar shaqo uu uga maqnaa dalka debaddiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka dayuuradaha Shaati Gaduud International Airport waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan koonfur galbeed, Sida wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobalka iyo midka degmada baydhabo, Odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo Dhoweyn kadib ayaa madaxweynaha waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee baydhabo halkaasi oo ay kaga sii horeeyeen masuuliyiin iyo siyaasiin.

Madaxweynaha dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku maqnaa safaro shaqo oo uu ku tagay gudaha Dalka iyo debaddiisa.

waxana la filayaa magaaladatan baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah èe maamulka KGS
ayaa lafilayaa in uu ka furmo shirka golaha amniga qaranka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.