Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay gurmad deg deg ah

0 191

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaada uu wabiga Shabelle ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dadka kunool Magaalada Baledweyne ay ku sugan yihiin Xaalad adag.

Waxaa uu sheegay in musiibada ka taagan Beledweyne ay ka weyn tahay maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa shir jaraa’id ku dhex qabtay xaafado ay gudaha u soo galeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle, waxaana biyaha u joogeen illaa jilibka.

Waxaa uu dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Gargaarka ugu baaqay in dadka reer Baledweyne lala soo gaaro Gurmad deg deg ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.