Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku xayirmay Beledweyne

0 198

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku xayirmay magaalada Beledweyne halkaasoo uu labadii todobaad ee la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in aysan jirin Qaab uu kaga soo bixikaro Magaalada Baledweyne oo uu kusoo aadi karo Jowhar ka dib Markii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ay roobabka biyo dhigeen, taasna ay keentay in aanay wax diyaarad ah ka soo degin.

Haddii Madaxweyne Waare uu kusoo bixi lahaa Safar dhulka ah Meello badan oo ka mid ah Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Baledweyne waxaa ku sugan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale jirta in labadii maalmood ee la soo dhaafay laga sugayay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, halkaasoo xaalado siyaasadeed ay ka jireen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.