Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Bulshadda Baledweyne

0 199

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulamo kala duwan la qaatay Bulshadda kunool Magaaladaasi.

Madaxweyne Waare ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay Xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Duqii magaalada Baledweyne.

Waxgaradka ayaa sidoo kale Madaxweyne Waare ka codsaday in uu wax ka qabto dhibaatooyinka dhanka canshuuraha ah ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Waare ayaa sheegay in bulshadda kunool Baledweyne laga doonaayo in ay la shaqeeyaan Bulshadda kunool Baledweyne si loo Afjaro Khilaafka iyo dagaalka ka dhaca Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.