Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee berri Furmaya

0 107

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti berri uu marti galin doono Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana looga hadli doono Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in uu shirkaan ku casuumay sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Waxaa uu xusay in dalka Jabuuti ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatadda labada dhinac.

“Berrito dalka jabuuti, waxaa uu shir gudoomin doonaa kulan dhexmara Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hogaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Raiisul Wasaare Abiy Ahmed inuu ka soo qeyb galo wadahadalada”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Somaliland ayaa dhankeeda xaqiijisay in shirkaan uu ka qeyb gali doono Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.