Madaxweynaha KG Oo Qaabilay Wafdi ka Socday DFS(Sawiro)

0 60

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa Xafiiskisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey si hayaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Somaliya.

Wafdigan uu kulanka maanta laqaatay Madaxweyne laftagareen ayaa maalintii Shalay ahaeyd soo gaarey Baydhabo Waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada DFs,

Gudoomiyaha Baarlanka KGS Dr. Ali Said Faqi iyo Wasiirka Wasiirka Shaqada iyo Bulshada DFS ayaa Maanta Baydhabo ku dahafurey Kulan ku saabsan heerka Hawlgalka Barnaamijka Baxnaano iyo dahafurka Barnaamijka Caawinta qoysaska Ayuxu Saameeyey ee ku nool Deeganada Koonfur galbeed ,

Waxana dahafurka Barnaamijkaasi qeyb ka ahaa sii hayaha Wasiirka wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa , wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS Maamulka Gobolka Baay ,qaar ka mid ah agaasimiyaasha wasaradaha KGS iyo Mas’uuliyiin kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.