Madaxweynaha konfur galbeed Oo Kormeer Ku Tagay Xarumaha Wasaaradaha

0 197

Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed soomaaliya mudane cabdicasiis xasan maxamed (lafti-gareen) ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaraadaha maamulkiisa .

Mudane (lafti-gareen) ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Xarumaha Wasaaradaha masuuliyiin ay ka mid ahayaeen Wasiir ku-xigeeno ,wasiirada ,iyo agaasimayaasha Wasaaradaha

Kulan ku saabsanaa is xog-wareysi la xiriiray qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradaha ayuu Madaxweyne cabdicasiis xasan maxamed la qaatay Masuuliyiinta halkaas ku soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad goboleedka ayaa kulanka ka dib kormeeray qaybaha kale duwan ee waaxeedyada wasaaradaha .

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta ka howlgala xafiisyada dowlada ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan , hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Kormeerkan maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed ku tegay xafiisyada wasaaradaha ayaa qeyb ka ah qorshayaasha isla xisaabtanka oo tiir dhexaad lama taabtaan ah u ah Siyaasadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyso Xukuumadda Madaxweyne cabdicasiis xasan maxamed (lafti-gareen)

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.