Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Madaxtooyada Degmada Xudur :-(Sawiro)

0 146

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada xudur ee Gobolka Bakool ayaa manta xarigga ka jaray Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Gobolkas oo si heer sare ah loo dhisay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhismaha Xarunta ay astaan u tahay sida Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Gobolkan.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa munaasabadda daah furka Xarunta Madaxtooyada ka sheegay in dowladdu ay sii wadeyso dhismaha mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo .

C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ayaa sannadkii la soo dhaafay wuxuu degmada xudur ka dhagax dhigay Mashaaric kala duwan oo loogu adeego bulshada deeganka .

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.